Madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta oo ka Qeyb galay Sanad guuradii koobaad ee Weerarkii Jaamacadda garrissa.

0

Madaxda ugu sarsareysa ee dalka Kenya ayaa manta waxaa ay qeyb galeen munaasabadii koobaad ee xuska weerrkii ay Al-shabaab ku qaadeen jaamacada garisa ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Kenya uhuro Kenyatta ayaa munaasabada loogu dabaal dagayo weerarkii ay rag ka tirsan Al-shabaab  ku qaadeen jaamacda garissa ka qeyb galay munaasabadaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Waxaa kaloo munaasabada ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, taliyaha ciidanka booliska Kenya General Joseph Boinnet  iyo madax kale.

Dhamaan jaamacadaha Kenya ayaa lagu qabtay maanta munaasabado lagu xasuusanayo 147 arday oo ay Al-shabaab ku dileen gudaha jaamacada garisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Jaamacadaha UoN, Moi, Kenyatta, Mount Kenya, Garissa iyo jaamacda Tangaza University College ayaan arday aysan qaadan wax daraasado ah waxaana badalkeeda ay dhigayeen munaasabo ay ku soo xasuusanayaan weerarkii jaamacada garissa .

Al-shabaab ayaa maanta oo kale 2-dii bshii april ee sanadkii 2015, xili aroor hore ah waxaa ay weerareen jaamacada garissa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya oo ay ku dileen 147 arday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here