Warar dheeraad ah aya laga helayaa dagaalo saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay deegaano katirsan gobolka shabeelaha Hoose.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya ,amisom iyo kuwa al-shabaab ayaa la sheegay In ay ku dagaalameen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo maalmihii dambe ay dagaalo ka dhacayeen.
Sarkaal katirsan al-shabaab oo lahadlay idaacadaha al-shabaab ayaa sheegay in ciidamadoodu maalmihii khamiista iyo jimcaha ay dileen tobaneeyo askar iyo saraakiil, waxaana saraakiisha ladilay kamid ah abaanduulayaal muhiim u ahaa howlgalka AMISOM ee shabeelaha Hoose. waa sida hadalka loo dhigay.
Dhanka kale Al-shabaab waxa ay tilmeen in saraakiisha la dilay uu kamid ahaa Taliyihii ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ee deegaanka Shalaanbood illaa Buufoow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dowlada soomaliya iyo Amisom oo dagaalka ka hadlay ayaa dhankooda sheegay in ay dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa al-shabaab.

