Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa isku raacay in ciidamo Police ah oo ka socda qaramada Midoobe in la geeyo dalka Brundi ee qaarada afrika si ay ugu qeyb qaataan Nabad Galyada iyo xasiloonida dalka ay dhibaatooyinka ka jiraan.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa tilmaamay in aan indhaha laga qabsan Karin dhibaatooyinka iyo xad gudubyada ka jira dalka Brundi kadib markii dalkaas ay ka dhaceen rabshado ay dhigayeen taageerayaal kasoo horjeeday in mar kale uu xilka Madaxweynaha dalkaas isku soo taago Pierre Nkurunziza.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Brundi Pierre Nkurunziza ayaa dhankiisa ku celiyay mar kale in uusan ogolaan doonin ciidamo ka socda qaramada Midoobe ama Midowga Africa in la geeyo dalka Brundi.

