Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali baashi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay weerar qorshaysan ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
General Cali baashi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amisom iyo kuwa dowlada soomaliya oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen Degmada Jannaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Hogaamiyaal iyo ciidamo ka Tirsan al-shabaab.
Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali baashi waxa uu tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa amisom in ay dagaalka ku dileen 17- kamid ahaa al-shabaab sida saraakiil iyo Gudoomiyaal al-shabaab ugu magacawnaa Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sarkaal ka Tirsanaa al-shabaab ee dagaalka Lagu dilay ayuu Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali baashi magaciisa ku sheegay Xasan Cali Dhoore oo al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Amniyaadka,
Xalay seqdii dhexe ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga dalka soomaliyeed iyo kuwa amisom ayaa weerar qorshaysan waxa ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen al-shabaab oo ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose.

