Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii ka Dhacay Magaalada Beledweyne oo Diiday in La Daaweeyo

0

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo maanta warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in dadkii xalay ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Masaajidka ku yaala xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Baledweyne, ay diideen in la daaweeyo

Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya  ayaa ku tilmaamay dadkii xalay ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Masaajid ku yaala beledweyne kuwa ka tirsan Ururka loo yaqaano Takfiirka, waxayna hawlwadeenadii isbitaalka ku tilmaameen inay gaalo yihiin, waa siduu hadalka u dhigay Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa dhanka kale xaqiijiyay in isbitaalka Magaalada Beledweyne la gaarsiiyay 12-qof oo dhaawac ah kuwaasi oo ahaa dadkii ku sugnaa Masaajidka la qarxiyay.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed ayaa tilmaamay in aysan ogeyn wax sababay qaraxa ka dhacay Masaajidka balse ay jiraan tuhumo la xariira in qaraxa lagu diyaarinaayay masaajidka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here