Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ka Furmi doono shirka loogu Hadlaayo Hanaanka doorashooyinka sanadka 2016-ka ka dhacaya dalka soomaliya
Shirka waxaa ka soo qeyb Galaya Madax Caalami ah oo ka socoto Beesha caalamka sida Danjiraha Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha soomaliya Nikolas Key, Madax ka socoto dowlada soomaliya oo shirka Marti Galinaysa, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka Jira sida Puntland, Juba-land, Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya iyo Maamulka Galmudug wallow Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu Howlo shaqo ugu maqan yahay wadanka Ciraaq,
Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaliya shalay soo Gaaray Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Juba-land Dr C/wali Maxamed cali Gaas iyo axmed Maxamed islaam axmed Madoobe si ay kaga qeyb Galaan shirka Madasha doorashada sanadka 2016-ka
Shirka ayaa intiisa badan loogu Hadlayaa sidey u dhici Karto doorashada 2016 wallow qaar kamid ah Madaxda Maamulka Goboleedyada ay dhaliilsan Yihiin sidey wax u socdaan waxaana kamid ah Maamulada Puntland iyo Juba-land oo isku Mowqif ah

