Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Goobihii ay La Wareegeen Ciidamada Galmudug

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuled iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada Galmudug ayaa goordhaweyd gaaray deegaanka Jirey oo kamid ah goobihii dhowaan ay ku dagaalameen ciidanka Galmudug iyo Al-shabaab ee bariga gobolka Mudug.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo xalay ka amba-baxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa goordhaweyd waxaa lagu soo dhaweeyay deegaanka jirey oo kamid ah deeganadaa ay dhawaan la wareegeen ciidanka Galmudug kadib dagaal socday 3-maalin.

Kormeerka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin Galmudug ayaa lagu sheegay sidii ay ogaan lahaayeen xaaladaha deegaanka iyo in la dhiiri galiyo ciidamada Galmudug ee deegaanka kala wareegay al-shabaab.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dagaalka ciidanka maamulkiisa ay la galeen Al-shabaab ay ugu dileen in ka badan 110 askari halka tiro kale oo ku dhow 100 maxaabiis ahaan loogu qabtay al-shabaab  isla markaana lagu hayo xabsiyada ku kala yaala magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here