Dowlada Soomaliya oo Lacag Gaaraysa Hal-milyan oo Doolar-ka Mareykanka ku Bixinaysa Wax ka Qabashada Abaaraha

0

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga abaaraha qaranka ayaa loogu hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa wax qabashada abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ururada bulshada rayidka, Culumo u diinka iyo Dhalinyarada waxayna dhamaan goobta ka sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada wax qabashada abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaliya mudane Maxamed Aden Ibrahim Farketi oo xubin ka ah gudiga abaaraha qaranka ayaa maanta  sheegay in dowlada soomaliya ay bixinayso lacag gaaraysa 1,000,000 Milyan oo doolar si wax looga qabto Abaaraha ka jira dalka.

Maxamed Ibraahim Fargeeti oo ka hadlay kulan ay maanta isugu yimaadeen Gudiga abaaraha qaran oo dhawaan lagu magacaabay shirkii Golaha wasiirada Xukuumada soomaliya ayaa tilmaamay in lacagahas loogu talagalay in lagu gargaaro dadka ay saameysay abaarta soomaliya ka jira gaar ahaan qaar gobolada dalka soomaliya.

Gudigaan oo shaqadoodu tahay wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira ayaa waxaa looga dhawaaqay khamiistii la soo dhaafay shirkii golaha Wasiiradda Xukuumada soomaliya , waxaan hogaaminaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Gudigan ayaa u xilsaaran isku xirka Dowladda dhexe, maamulada dalka ka jira , Beesha caalamka, Wacyi galinta Shirkadaha gaarka loo leeyhay, Ganacsatada, iyo Hay’adaha Maxaliga ah iney gacan buuxda ka gaystaan ka qayb qaadashada Abaaraha saameeyey Gobolo ka tirsan dalka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here