Madaxda Dowlada Soomaliya ayaa loogu baaqay in ay wada-hadal la furaan xarakada al-shabaab oo Dowlada soomaliya iyo Ciidamada amisom Dagaal kula jirta.
Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ayay Dowlada soomaliya ugu baaqeen in wada-hadal ay la furto hogaanka xarakada al-shabaab oo Dagaal ku jira Dowlada soomaliya.
Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa sidoo kale ugu baaqay Hogaamiyaasha al-shabaab in ay diyaar u noqdaan wada-hadalka ay la galayaan Dowlada Dhexe ee soomaliya si meesha loogu saaro dagaalada iyo dhibaatada soomaliya ka jirta.
“Dowlada soomaliya waxaa loogu baahan yahay in ay wada-hadal la gasho alshabaab xal waa laga gaari karaa dagaalada iyo colaada ka jirta soomaliya al-shabaab hogaankooda waxaa loogu baahan yahay in ay aqbalaaan wada-hadalka ay la galayaan Dowlada soomaliya ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka.
Hadalkaan kasoo yeeray Guddiga dib u heshiisinita Qaranka marka laga soo tago al-shabaab ayaa horey u shaaciyay in aysan wada-hadal lagali doonin Dowlada soomaliya inta ay Dalka soomaliya ku sugan yihiin Ciidamada Midowga Africa ee amisom.

