Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa soo dhaweeyay dadaalada ay wadaan madaxda Dowlada soomaliya oo ku aadan qancinta Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee kasoo horjeeda shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Shir Jaraadid ay ku qabteen Magaalada Muqdisho Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayay kusoo dhaweeyeen qaabka ay Dowlada soomaliya u wajahaysa xalinta tabashooyinka Odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee diidan ka qeyb galka shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo Jowhar Ka furan.
Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa ku baaqay in ay sameeyeen Odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan iyo waxgaradka tanasul oo aadan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo ka furan Magaalada Jowhar madaama Odoyaasha Hiiraan kasoo jeeda ay doonayaan in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe lagu qabto Magaalada beledweyne.
Dhanka kale Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa soo dhaweeyay qaabkuu Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe u qanciyay qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeday hanaanka Maamul Juba-land. Kadib shir dib u heshiisiin oo lagu Qabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubada Hoose.
Sidoo kale Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa soo dhaweeyay socdaal uu Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke uu ku Joogo Puntland iyo sida uu Raisulwasaaraha ugu qancinayo Maamulka puntland qaadashada Nidaamka 4.5.
Ugu dambeyntii Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa ugu baaqay Maamulada Galmudug iyo ahlusuna waljameeca in ay isugu yimaadaan miiska wada-hadaka si meesha loogu saaro dagaalo ka dhaca Gobolada Dhexe ee soomaliya.

