Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka Tirsan al-shabaab ay Gudaha u galeen Deegaanka Ceel-Baraf oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Soomaliya.
Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya ayaa la sheegay in ka baxeyn deegaanka habeenimadii xalay waxaa deegaanka la wareegay al-shabaab oo aan la kulmi wax dagaal ah sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan deegaanka ceel-Baraf.
Wali wax war ah kama Soo bixin dhanka Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ay kaga hadlayaan la wareegitaanka al-shabaab deegaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

