Sida ay sheegayaan wararka Madax ka socota Midowga Yurub iyo Ururo kale oo Caalami ah ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Arimaha ugu badan ay Madaxda ka socota Midowga Yurub ay u gaarayaan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay ka qeyb galida kulanka u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Raisulwasaaraha Soomaliya kaasi oo lagu doonayo in maamulka Puntland loogu dhaadhiciyo qaadashada Nidaamka 4.5.
Dhanka kale Xoghayaha guud ee Urur-goboleedka IGAD, Eng. Maxbuub Macallin ayaa la sheegayaa in uu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe si uu qeyb kaga Noqdo kulamada maamulka Puntland loogu dhaadhicinaayo qaadashada Nidaamka 4.5.
Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo jimcihii gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa wali kulamo la qaadanaya Madaxda Maamulka Puntland isagoo ku qancinaayo qaadashada nidaamka 4.5.

