Goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois ayaa sheegay in uusan hubin sii joogitaanka garoonka Stamford Bridge xili ciyaareedkaan dambe.
Kooxda Chelsea ayaa xili ciyaareedkaan ku bilaabatay waayo aan fiicneen kadib markii ay guuldarooyin ku bilaabatay kooxda waxaa shaqada laga ceyriyay bishii Dacember macalinka reer Portugal ee Jose Morinho waxaa si kmg- ahaan loogu magacaabay macalin Guus Hiddink oo kaalinta 10-aad kooxda keenay.
Laakin Goolhayaha heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka Thibaut Courtois oo warbaahinta ladlay ayaa sheegay in uusa hubin mustaqbalkiisa kooxda Chelsea xili ciyaareedka cusub.

