Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Dil ah ku Ridey Xasan Xanafi Xaaji

0

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun dil ah ku ridey Xasan Xanafi Xaaji oo horey loogu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilalka qaarka kamid ah wariyaasha  Magaalada Muqdisho.

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa saaka oo Sabti ah go’aan rasmi ah kasoo saartay  Kiiska Xasan Xanafi Xaaji oo Shabaab u qaabilsanaa dilalka wariyaasha, kaasi oo Racfaan ka qaatay xukun maxkamada Ciidamada Qalabka sida saddexdii Bishan.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow, oo saakay warbaahinta kula Hadlay xarunta Maxkamada sare  ayaa sheegay in go’aan Maxkamada Ciidamada qalabka sida uu yahay xukun dil toogasho ah. Kadib markii lagu helay Xasan Xanafi Xaaji in uu ka dambeeyay dilalka qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho.

Maalmihii dambe waxaa taagnaa arinta ku aadan in rafcaan uu qaatay eedeysane Xasan Xanafi Xaaji kadib markii dil toogasho ah ay ku ridey maxkamada Darajada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee soomaliya.

Goobta Maxkamada waxaa saakay ku sugnaa qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho kuwaasi oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka sida.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here