Dowlada Mareykanka oo Duqeyn ku Dishay Hogaamiyihii Maaliyada ee kooxda Daacish

0

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn ku dishay hogaamiyihii Maaliyada ee kooxda daacish ahaana sidoo kale madaxii xiriirka caalamka ee kooxda daacish.

Wasiirka gaashaandhiga mareykanka Mr; ashton carter ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in ay dileen Cabdi raxmaan Mustafe Abuu Qaduli oo loo yaqaan xaaji iimaan.

Laba todobaad gudahood ayaa mareykanka diyaaradihiis dagaal ay duqeyn ku dilayaan madax sare oo kooxda daacish ka tirsan xili ay horay u dileen Al-shiishaan nin la oran jiray oo kooxda ka tirsanaa.

Daacish kama aysan hadlin ilaa iyo hada hogaamiyahaan sare ee laga dilay mareykankana uu sheeganaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here