Waxaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar lagu soo gaba-gabeeyay shirka Wasiirada Difaaca ee dalalka la isku yiraahdo Saaxil iyo Saxaraha oo ay ka qeybgaleen in kabadan 20 dal.
Wasiirka Difaaca Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini oo Soomaliya shirkaan u Matalayay ayaa warbaahinta u sheegay in shirka looga dooday dhibaatada xagjirnimada ee caalamka ku sii faafeysa iyo sidii dalalka Siin Saad la isku dhaho ay isaga kaashan lahaayeen dagaal wada jir ah oo looga hortago.
“Shirka waxaa intiisa badan loogu hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka kooxaha xagjirka ee caalamka dhibaatooyinka ku haya iyo sidii wacyi galin iyo shaqo abuur loogu sameyn lahaa Dhalinyarada ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka looga dooday in la dhiso ciidamo gaar ah oo jawaab ka bixiya qatarta ka imaan karta kooxaha argagixisada, dhawaana la soo saarayo qodobada la isku raacay intii shirku socday.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirada Difaaca dowladaha Egypt, Morocco, NigeriaTunisia, Liberia, Guinea, Kenya iyo Eritrea .

