Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha garoon kubada cagta ah oo ku yaalo gobolka baber ee dalka ciraaq.
Laamaha Caafimaadka dalka Ciraaq ayaa warbaahinta sidoo kale u sheegay in 60 ruux ay ku dhawacmeen qaraxa ka dhacay Garoonkada kubada Cagta Lagu ciyaarayay.
Xiliga uu qaraxaan dhacayey ayaa la sheegay in ay soo dhamaatay ciyaar kubada cagta aheyd oo u dhaxeysay laba koox oo ka kala socotay suniyiinta iyo shiicada wada dagta gobolka babel xaruntiisa Alexandria.
Dhanka kale Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaan.

