Xubnaha baarlamaanka dalka Kenya ayaa bilaabay in ay baaraan tirade ciidanka Kenya looga dilay weerarkii ceel cadde oo dhacay bilowgii sanadkaan.
Gudiga arrimaha dibada iyo kan difaaca Kenya ayaa labada sheegay in ay dowlada qasab ku tahay shaacinta inta ay la ektahay tirade ay Al-shabaab ku dileen weerarkaasi ceel cadde oo dhacay 15-kii janaayo ee sanadkaan.
Xubnahaan baarlamaanka oo shalay qaar ka midaa saraakiisha ciidanka suaaloku saabsan weerarkii ceel cadde ayaa iyagaba sheegay in ay ku wareereen tirada saxda ah ee lagu dilay weerarkaasi.
Wasiirka difaaca dalka Kenya Raychelle Omamo oo shalay ay baarlamaanka hor timid ayaa sheegtay in ay wali dowlada wado baaritaano lagu ogaanayo askartii kenyaaga aheyd ee weerarkaasi lagu dilay.
Barlamaanka Kenya waxaa ay sheegeen in ay la soo xiriirayaan qoysas badan oo aan war ka heynin wiilashooda geeri iyo nolol waxaana ay taasi keentay in xubnaha baarlamaanka ay sameeyaan baaritaano lagu ogaanayo askarta kenyaaga ah ee weerarkaasi ku dhintay.
Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 100 askari oo Kenyan ah halka ay dowlada kenyana ay sheegtay dhankeeda in laga dilay 60 skari.

