Mamaulka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal dhaxmaray Ciidamada Galmudug iyo kuwa al-shabaab kaasi oo ka dhacay deegaano hoos Yimaada Gobolkada Mudug.
Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Galmudug in ay guulo waa weyn ka gaareen dagaalkii ay maanta la galeen Ciidamada Xarakada al-shabaab isla markaana hubka noocyadiisa kala duwan ay ku furteen.
Mudane Maxamed Aadan Cismaan waxa uu hadalkiisa ku daray in ciidamada Galmudug in ay haatan ku sugan yihiin goobihii maanta lagu dagaalamay isla markaana ay al-shabaab ka qabteen maxaabis aad u fara badan dhaawana ay soo bandhigi doonaan.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Cismaan ayaa sheegay in Maamulada Galmudug iyo Puntland ay ka wada hadleen iskaashiga iyo la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

