Dagaalo u Dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al-shabaab Ayaa ka dhacay Duleedka Degmada Garbahaareey

0
Aerial view of the Somali village of Bardera. Some vehicles are seen leaving the village on a dirt road that leads out of the town. The Botswana Army is being used to provide security for the humanitarian relief groups that are distributing food to the people of Bardera. This mission is in direct support of Operation Restore Hope.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom oo dhinac ah iyo al-shabaab in ay ku dagaalameen duleedka degmadaas

Dagaalka ayaa la sheegay in uu Yimid kadib markii ciidamada dowlada soomaliya iyo ciidamada Midowga  africa ee amisom ay  weerar ku qaadeen duleedka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo Gaar ahaan saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab

Nuur sheikh Maxamed Buraale oo ah Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey  ee Maamulka Juba-land  oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadooda ay dagaalka qaadeen ayna kusoo Furteen xoolo al-shabaab si sako ah ugu qaadeen dadka ku nool qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka soomaliya

Dhanka kale xarakada al-shabaab ayaan ka Hadlin dagaalka Maanta ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

Marar badan waxaa ka dhacay Gobolka Gedo dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada soomaliya iyo Amisom oo dhinac iyo al-shabaab oo 7-sano kadib lagala wareegay Gobolka gedo ee Koonfurta dalka soomaliya

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here