Odayaasha Hiiraan oo beeniyey in ay Afgarad la gaareen RW Cumar.

0

Nabadoon Dacar Xersi Nuur oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Simba ayaa ka hadlay booqashadii uu RW cumar C.rashiid Cali uu ku tagay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka,Waxgaradka iyo Shacabka Gobolka Hiiraan ay Caddeeyeen mowqifkooda ku aaddan Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe islamarkaana ay ka midaysanyihiin waloow uu sheegay in ay jirtay mar ay ku kala aragti duwanaayeen balse hadda ay ka gudbeen aragti kala duwanaantaasi.

Shacabka Gobolka Hiiraan ku nool ayuu sheegay nabadoon Dacar in ay aayaha iyo talada gobolka ay uga dambeeyaan Ugaasyada beelaha daga Hiiraan islamarkaana shacabka aan laga gadikarin go’aan aysan gaarin Ugaasyadooda sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca Kale Nabadoon Dacar Xersi Nuur ayaa waxaa uu Wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku aaddanaa in go’aan rasmi ah laga gaaray arinta beelaha gobolka Hiiraan ee ka qeybgalka Shirka Magaalada Jowhar ee Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, Waxaa uu Sheegay in Warka wasiirku sheegay uu yahay been aan sal iyo raad lahayn islamarkaana aysan jirin Wax go’aan ah oo kasoo baxay Kulankii Wafdiga RW ay la yeesheen Odayaasha iyo Ugaasyad Gobolka Hiiraan ee Baladweyn ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here