Wararka Saaka nagasoo gaaraya deegaanka Af-barwaaqo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa ay saaka ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado dagaal oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Ciidamo iyana taabacsan Xarakada Al-shabaab oo iyagu shalay galinkii dambe gaaray deegaankaasi tuulooyin hoos yimaada.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa lagusoo waramayaa in Saaka ay buux dhaafiyeen deegaanada ka agdhaw goobaha ay Shabaabku yimaadeen,waxaana dhinaca Al-shabaabna la sheegayaa in iyana dhankooda ay dhaq-dhaqaaq ciidan wadaan.
Mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Af-barwaaqo ee gobolka Mudug ayaa u sheegay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho in ay suuragal tahay in dagaal uu qarxo maadaama laba dhinac aysan isku jirin Masaafo dheer is aruursi iyo diyaar garowna ay wadaan dhinacyada halkaa isku hor fadhiya.
Ruuxan ka midka ah dadka deegaanka Af-barwaaqo ayaa sidoo kale sheegay in dadka Shacabka ah ay walwal muujinayaan kuwaa oo ka cabsi qaba in lagu kor dagaalamo,maadaama ay yihiin reer guuraa la tacaalaya xaaladda Jiilaalka ka jira deegaanadaasi.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin Ka hortagga Al-shabaabka kasoo tagaya deegaanada Maamulka Puntland oo daris la ah Galmudug ka dib Markii Al-shabaab looga itaal roonaaday dagaalka deegaanada Xeebaha ah ee Maamulka Puntland.

