Howlgal dad Badan Lagu Qab-qabtay oo Laga Sameeyay Magaalada Boosaaso

0

 

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland  ayaa maanta Howlgal dad badan lagu qab-qabtay  waxa ay ka sameeyeen Gudaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Ciidamada Booliska Puntland, ayaa hawlgalkan ka sameeyay hoteelo, guryo iyo kontoroolka laga soo galo Xarunta Gobolka Bari, waxayna siyaabooyin kala duwan ay gacanta ugu soo dhigeen 150 nin oo dhalinyaro u badan.

Korneyl C/xakiin Yuusuf Xuseen, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari, oo warbaahinta la hadlay Howlgalka kadib ayaa sheegay In Howlgalka lagu qab-qabtay dad badan oo lala xiriirinaayo al-shabaab kuwaasi oo gaaraya 150-ruux.

Waxa uu Taliyaha sheegay in lakala saari doono dad lasoo qabtay cidii dambi lagu waayo ayuu sheegay Taliyaha in la iska deyn doono cidii lagu tuhmo in ay kamid tahay al-shababana maxkamada lasoo taagi doono.

Dhanka kale Booliska Puntland, ayaa awaamiir ku soo rogay dadka ku nool Magalooyinka Puntland, waxaana dadka looga digay inay guryaha iyo gaadiidkaba ka kireeyaan dad aanay garanayn, isla-markaana ay Ciidamada Booliska u soo sheegaan, cidii ay ka shakiyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here