Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa Faahfaahin ka Bixiyay dil saakay ka dhacay Gudaha Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga degmada wadajir ee dowlada soomaliya abuukar sheikh Ahmed oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudaha degmada wadajir in saakay lagu diley Masuul ka Tirsanaa wasaarada maaaliyada dowlada soomaliya
Abuukar sheikh Ahmed ayaa sidoo kale in dad badan loo qabqabtay dilkii saakay ka dhacay Gudaha degmada wadajir haatana ay ku xiran Yihiin saldhiga degmada wadajir wuxuuna Tilmaamay in dhawaan Maxkamad lasoo Taagi doono dadkaas
Marar badan waxaa degmada wadajir Lagu diley shaqsiyaada dowlada soomaliya u shaqeeya Maamulka Degmada Wadajir ee dowlada soomaliya ayaa sheega Kaliyah in Gacanta lagu soo dhigay Ragii ka dambeeyay dilalkii loo geystay Mas’uuliyiinta dowlada ka Tirsanaa
Dilalka inta badan ka dhaca degmada wadajir waxaa sheegta xarakada al-shabaab

