Rag ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in ciidamada maamulka Galmudug in ay gacanta ku dhigeen askar ka tirsan al-shabaab-kii weerarka ku qaaday xeebaha deeganada maamulka Puntland balse usoo baxsaday dhanka maamulka Galmudug.

Saraakiil ka Tirsan Maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaritaan laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo in lagu soo qabtay rag ka Tirsan al-shabaab oo tiro ahaan gaarayay 30-ruux.

Waxa ay tilmaameen saraakiisha in 2-kamid ah ay ahaayeen dumar halka 28-ruux ay ahaayeen rag kuwaasi oo kasoo dagaalamay deeganada Maamulka Puntland waxayna saraakiisha ay sheegeen in laga qabtay guri ay ku sugnaayeen oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale Ragaan la qabtay ayaa waxaa la geeyay xabsi ku yaalla Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kuwasi oo ay su’aalo weydiinayaan ciidamada Nabad Sugid Maamulka Galmudug .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here