Ardey ku Dhaawacantay Jaamacada Moi Kadib Markii loo Maleeyay in Rag ka Tirsan al-Shabaab ay Galeen

0

Masuuliyiinta jaamacadda Moi university ee dalka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 20 arday ay ku dhaawacmeen iyaga oo darbiga iyo daaqadaha jaamacada moi ka boodayay.

Xarunta ugu weyn ee jaamacada moi ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa arday badani ay ka carareen ka dib markii ay ka shikiyeen ruux  ay u maleeyeen Al-shabaab oo ku xirnaayeen fiilooyin.

Ciidanka booliska dalka Kenya ayaa ninkaasi xiray ka dib markii ay goobta soo gaareen .lama oga ilaa iyo hada in ninkaasi uu ka mid ahaa Al-shabaab oo uu doonayey in jaamacada uu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo balse afhayeen boliska dalkaasi u hadlay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano hada.

Mid ka midaa arday jaamacada oo kor u qeylinayay ayaa ku dhawaaqayey in ay jaamacada soo galeen Alshabaab.

Alshabaab ayaa horay u qarxiyey jaacamada gaarisa oo ay ku dileen in kabadan 145 arday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here