Maxkamada sare ee Mombasa ayaa siideysay maanta saddex muwaadin oo kenyaan ah kuwaasi oo loo qabtay weerarkii ay alshabaab sanadkii 2014-kii ka geesteen deegaanka imbakatooni ee gobolka xeebta ah ee lamu .
Xeer ilaaliyaha maxkamada Kenya ayaa sheegay in saddex dani nin lagu waayey in ay ka mid ahaayeen alshabaabkii weerarkaasi ka dambeeyey.
Magacyada ragaan ayaa lagu kala sheegay Dyana Salim, Mahadi Swaleh iyo alias Jesus.
Weerarkaasi ayaa ka dhacay magaalo lagu magacaabo Hindi oo ka tirsan dhanka xeebta ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.
Alshabaab oo xiligaasi sheegtay masuuliyad a weerarkaasi ayaa sheegay in ay ku dileen 67 qof oo kenyaan ah.
Weerarka ayaa ka dhacay goob saldhig boolis ah oo ku taalay magaalada hindi ee gobolka lamu.
Xeer ilaaliye Martin Muya ayaa sheegay in xabsiga ay wali ku jiraan Shebe Auni iyo Joseph Kimani oo iyaga qirtay in ay Al-shabaabkii werarakaasi fuliyey ka mid ahaayeen.

