Kadib qaraxyadii ka dhacay garoonka diyaaradaha iyo xarunta Tareenada laga raaco ee dalka Belgium-ka waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka garoomada diyaaradaha wadamada Caalamka.
Raisulwasaaraha dalka Australia Malcolm Turnbull ayaa ku wargaliyay Laamaha amaanka dalkaas in ay adkeeyaan amaanka Garoonka diyaaradaha dalkaas kadib weerarkii lagu qaaday Garoonka diyaaradaha dalka Belgium-ka.
Dhanka kale Garoomada diyaaradaha Magaalooyinka London, Paris , Mascow , Frankfurt iyo Qaahira ayaa aad loo adkeeyay waxaa garoomadaas lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa ilaada garoomada oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga.
Qaraxyadii shalay ka dhacay caasimada dalka Belgium-ka Brussels waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 34-ruux halka ay ku dhaawacmeen 200-ruux sida ay shaaciyeen laamaha caafimaadka dalka Belgium-ka.
Dhanka kale Mas’uuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxaa sheegtay kooxda Daacish kadib markii ay ku eedeeyeen dowlada Belgium-ka in ay kamid tahay Xulafada mareykanka ee duqeymaha kawada dalalka Ciraaq iyo Syria.

