Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxyadii ka Dhacay Magaalada Brussels ee Xarunta Dalka Belgium-ka

0

Inta la xaqiijiyay 30ruux ayaa ku dhimatay halka 200 kale ay ku dhaawacmeen qaraxyo sedex ahaa oo ka dhacay Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka.

Labada qarax ee horey ayaa ka dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Brussels ee Zaventem airport 14-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen labada qarax ee horey .

Dhanka kale saacada kadib  qarax kale ayaa ka dhacay  xarun Tareenada laga raaco oo ku taalo Magaalada Maelbeek inta la xaqiijiyay waxaa ku nafwaayay qaraxa sedexaad 20-ruux sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka dalka Belgium-ka.

Madaxda Caalamka ayaa qaraxya ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka wada Cambaareeyay.

Raisulwasaaraha Dalka  France’Manuel Valls ayaa ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka kuwa muujinaya awooda kooxaha argagaxisada caalamka ka jirta.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Mareykanka  Barack Obama, oo ku sugan dalka cuba ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maanta ka dhacay Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka isagoona caalamka ugu baaqay in loo midoobo la dagaalka al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here