Laamaha Amaanka Kenya oo ka Digay Weeraro Al Shabaab ay ka Geystaan Gudaha Dalkaas

0

Booliska dalka Kenya ayaa soo saaray maanta digniin cusub oo ku wajahan weeraro cusub oo ay alshabaab ku qaadeen gudaha Kenya.

Ciidanka booliska qaranka Kenya ayaa waxaa ay digniintaan ku macneeyeen in alshabaab oo qasaaro badani loogu geestay weeraradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday fariisimo ay alshabaab kaga sugnaayeen soomaaliya.

Afhayeenka adeega booliska ee Kenya  George Kinoti ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyey ee alshabaab looga dilay 34 askari ay uga jawaabi karaan fulinta weeraro laga geesto dalka Kenya gudihiisa.

“Waxaan taliyaasha ciidanka dhamaan u gudbinay  digniinta alshabaab ee weeraro laga geesto Kenya, waxaan ku war galinay in ay baaraan gawaarida iyo shaqsiyaadka laga shakiyo iyo in hoteelada waaweyn sigooni ah loo baaro ayuu yiri afhayeenka  adeega ciidanka qaranka kenya George Kinoti.

Digniintaan cusub ayaa imaaneysa iyadoo dowlada Kenya ay shaacisay in alshabaab ay ka dishay 34 dagaal yahan ka dib weeraro laba ah oo ka kala dhacay deegaanka afmadoow ee gobolka jubada hoose iyo deegaanka raskambooni.

Alshabaab ayaa iyagana dagaalada ciidanka Kenya iyo ciidankooda dhex maraya dhawaan ku sheegtay in ay ku dileen 70 askari oo Kenyan ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here