Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo Gacanta ku Dhigay Maandooriye Lagu Beeray kaam ku Yaala Degmada Hodan

0

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay maandooriye lagu beeray kaam ku dhex yaala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo maanta Saxaafadda u soo bandhigay maandooriyaha gacanta lagu soo dhigay ayaa sheegay in uu isagu ahaa maskaxdii ka dambeysay in la fashiliyo waxyaabaha xashiiska ee lagu beeray kaamka ku yaala degmada Hodon.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir General Cali Xersi Barre (Cali Gaab),   waxa uu su’aal ka keenay in in moondooriye lagu dhex beero kaamka ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo masaakiin ah.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in lix qof loo soo qabtay falkaan maandooriyaha hadana ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanka dalka, dhawaan sharciga la horkeeni doono.

Dhawaan ayay aheyd markii guri ku yaala degmada Hodon laga qabtay waxyaabaha maanka dooriya oo la sheegay in laga sameyn rabay waxyaabaha qarxa.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here