Ciidanka Kenya oo Mombasa ka Qabtay Muwaadin Mareykan ah oo ka Tirsanaa Al-shabaab.

0

Ciidamada ka hortaga argagaxisada ee dalka Kenya ayaa soo qabtay  muwaadin mareykan ah oo ka tirsanaa alshabaab sida  uu sheegayo madaxa ciidanka booliska Mombasa  Francis Wanjohi .

Ciidamada oo booliska ayaa guriga ninkaan laga soo qabtay sidoo kale ka soosaaray hub u badnaa qoryaha fudfud.

Madaxa booliska Mombasa  francis wanjohi ayaa magaca ninkaan lagu tuhmayo ka mid ahaanshaha alshabaab ku sheegay  Richardson Roller waana nin kasoo jeeda Mareykanka.

Eedeemaha uu wajahgayo Richardson Roller ayaa  francis uu ku sheegay in ay ugu weyntahay sida uu hub sharci dara ah oo cadadkiisa aad u badan yahay uu gurigiisa ugu heestay.

Haweyneeda ninkaan oo kenyaan ah ayaa ciidanka ay sidoo kale soo xireen inkastoo mar dambe laa siidaayey.

Ciidanka Kenya ayaa mudooyinkii  dambe  hub iyo dad la xiriirinayo xarakada Al-shabab ka soo qabanayey magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here