Maxamed Ibraahin Pakistaan oo iska Casilay Xilka Xoghayaha Nusoj+Dhageyso

0

Maxamed Ibraahin pakistaan  oo ahaa Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay.

Shir jaraaid uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayuu ku shaaciyay Mudane Maxamed Ibraahim Pakistaan in uu iska casilay xilkii uu hayay kadib markii uu eegay sida uu sheeegay dhibaatada suxufiiyinta iyo  in aan xiligaan loo baahneen isqabqabsi ku aadan hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj.

“Kadib markii aan eegay xaalada Suxufiyiinta Soomaliyeed ay xiligaan ku jiraan waxaa go’aansaday in aan iska casilo  xilka Xoghayaha ururka. Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj.

“Aniga waxaan idin cadeynayaa in aanan aheyn musharax oo aan wax xil ah ka dooneyn ururkan, balse aan gaarsiin doono inta hogaan cusub laga soo dooranayo” ayuu yiri Maxamed ibraahin pakistaan .

Mudooyinkii dambe waxaa Taagnaa qilaafka ka dhaxeeyay Hogaanka ururka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee Nusoj balse Gudiga xalinta qilaafka oo maanta goob joog ka ahaa goobta uu isku casilay pakistaan ayaa dhankooda warbaahinta u sheegay in doorasho ay dhawaan dhici doonto oo lagu dooranayo Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here