Howlgal Lagula Dagaalamayay Ducumentiyada Been Abuurka oo Laga Sameeyay Suuqa Bakaaraha+Dhageyso

0

Ciidamada dowlada Somaaliya ayaa maanta  Howlgal lagu dagaalamayay ducumentiyada been abuurka waxa ay ka sameeyeen Gudaha Suuqa Bakaara Gaar ahaan qeybta Cabdala shideeye loo yaqaano oo kamid ah Goobaha lagu sameynayo ducumentiyada.

Howl-gaalkaan ayaa badankiis laga sameeyey suuqa bakaaraha qeybtiisa cabdalaha shideeyaha  waxayna ciidamada ku qabteen dad badan oo ku howlanaa sameynta  ducumentiyada been abuurka sida Passapoorada iyo waxyaabo kale.

Qof ku sugan goobta ay ciidamada dowlada soomaliya Howlgalkaan ka sameyeen ayaa idaacada simba u sheegay in ciidamada ay qabteen dad aad u Fara badan oo lala xiriirinaayo in ay sameynayay ducumentiyada been abuurka ah.

Dowlada Soomaliya ayaa dhawaan digniino u dirtay dadka sameeya ducumentiyada been abuurka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here