Faah-Faahin ku saabsan Dagaalka Maanta ka Dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

0

Wararka naga soo gaaraya inta u dhaxeyso Degmada Dhoobley iyo deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa al-shabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen kolonyo gaadiid oo ay la socdeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka amisom.

Ciidamada ka Tirsan al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen gaadiid dagaal oo ay la socdeen Ciidanka Kenya, xilli ay ka amba baxeen Degmada Dhoobley, isla-markaana ay sahay u wadeen Degmadaasi Afmadow.

Radio Andalus oo ku hadla afka Xarakada Al Shabaab, ayaa baahiyay in dagaalka lagu gubay ugu yaraan lix ka mid ah baabuurta dagaalka ee Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah Amisom, markii ay Shabaabku la helayn gantaalaha garbaha laga gano iyo qaraxyo lagu diyaariyay hareeraha wadada.

Sidoo kale warbaahinta al-shabaab ayaa baahisay in al-shabaab ay Nolosha ku qabteen 4-askari oo ka Tirsanaa ciidamada Kenya ayna dileen 12-askari oo ka tirsanaa isla ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee amisom.

Wali wax war ah kama Soo bixin dowlada Kenya ay ugu Hadlayso dagaalka galabta ciidankeeda ku qabsaday inta u dhaxeyso Degmada Dhoobley iyo deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose iyo guulaha al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here