Kooxda Real Madrid ayaa ku dhow in ay heshiis la gaarto kooxda Juventus oo ku aadan sidii ay usoo ceshan laheyd weeraryahanka Alvaro Morata,
War maanta lagu daabacay Majalada As ee Spain ka soo baxda ayaa lagu shaaciyay in kooxda Real Madrid ay juventus ku qalqaalinayso lacago dhan €30 million si ay u qaadato xidiga reer Spain ee Alvaro Morata,
Alvaro Morata, oo horey ugu soo ciyaaray kooxda Real Madrid ayaa habeen dhaweyd bandhig lala yaabo soo bandhigay xili ay juventus ka hartay ciyaarayaha Champions League kadib guuldaro ay kala kulantay kooxda Beyer Munich.

