jarmalka oo Maraakiib iyo Diyaarado Dagaal usoo Diray Xeebaha Soomaaliya

0

Iyadoo xeebaha soomaaliya ay joogaan maraakiib iyo diyaarado dagaal oo ka socda dalalka dunida ayaa maanta dowlada jarmalka waxaa ay sheegtay in ay dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeeda soomaalida ay ku soo kordhisay maraakiib iyo diyaarado dagaal oo nuucoodu lagu sheegay  P-3C.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada jarmalka ayaa lagu yiri in jarmalka uu laba laabayo howlgaka midowga yurub ee Atlanta oo lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda soomaalida.

Taliyaha kooxdaan ka socota jarmalka loo soo diray soomaaliya  lana dagaalamayaan burcad badeeda taliye Kai Hansen ayaa sheegay in ciidanka ay u soo direen soomaaliya ay tira ahaan garaayaan 50 askari.

Dalka soomaaliya waxaa hada ay ciidan ka joogaan dalalka kala ah jarmalka, talyaaniga, faransiiska, ruushka, spain , ingiriiska, holand, Denmark, Albania, japan , shiinaha, koonfurta kuuriya iyo dalal kale oo qeyb ka ah howlka ATLANTA ee lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda soomaalida.

Howl galkaan ayaa la aas aasay sanadkii 2009-kii waxaana u jeedkiisa lagu sheegay in lala dagaalamo kooxaha burcad badeeda soomaalida oo qaaday sanadihii dambe weeraro baaxad weyn oo loo geestay maraakiibta caalamiga ah ee adeegsada  xeebaha soomaaliya iyo kuwa ka fog fog .

Ugu dambeen waxaa dad badani ay aamin sanyihiin in ay hoos  u dhacday qatartii ka jirtay biyaha somalia iyo kuwa ka baxsan ee burcad badeedu qaadi jireen tan iyo bilowgii howl galkaan Atlanta .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here