Ciidamada Maamulka Puntland ayaa maanta weerar ku qaaday goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen ciidamada Xarakada al-shabaab
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Gawl oo ah deegaan u dhaw Kulub, waxaana weerarkan qaaday ciidamada Maamulka Puntland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada weerarka qaaday ay ka yimaadeen degmada Godobjiraan Labo maalin ka hor, waxa ayna wararku sidoo kale sheegayaan in goobaha saakay lagu dagaalamay ay yihiin dhul banaan oo aan la mid aheyn kii horey loogu soo dagaalamay.
Ilaa Hada Lama Ogo qasaaraha ka dhashtay weerarka ay ciidamada Maamulka Puntland ay ku qaadeen deegaanka Gawl oo ah deegaan u dhaw Kulub.
Dhanka kale saraakiil ka Tirsan Maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay qabteen askar kale oo ka tirsanaa ciidamada al-shabaab.

