Wararka ka imaanaya deegaanka Buurgaabo ee gobolka Jubba Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada al-shabaab ay deegaankaas ku dileen saddex qof oo rayid ah oo kamid ahaa dadka jara dhuxusha,
Dad ku sugan deegaanka ay arintaan ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ka tirsan Xarakada al-shabaab ay goobta tageen isla markaana ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob dhuxusha laga jaro oo ku taala deegaanka Buurgaabo ee gobolka Jubba Hoose.
Deegaanka ay dhacdadaan ay ka dhacday waxaa gacanta xiligaan ku haya Al-shabaab 240KM waxa uu dhanka Koonfur Galbeed ka xigaa magaalada Kismayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

