Faah-Faahin:- Weerar Xalay Lagu Qaaday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in xalay Magaaladaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Puntland.

Rag ka Tirsan xarakada al-shabaab ayaa la sheegay in weerar qasaaro dhaliyay in ay ku qaadeen halka loo yaqaano Afar Irdoodka ee bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka sida lagu baahiyay baraha al-shabaab , waxayna tilmaameen al-shabaab in weerarka lagu qaaday Afar Irdoodka Magaalada Boosaaso ay ku dileen 2- askari islamarkaana ay ku qabsadeen qori nuuca yahay AK47.

Ilaa hada wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka Puntland ay kaga hadlayaan weerarka xalay ka dhacay magaalada dekadda leh ee Boosaaso xarunta gobolka Bari.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here