Dowlada Talyaaniga oo Soomaaliya ugu Deeqday Maanta Lacago gaaraya Dhoor Malyan.

0

Wakaalada wararka ee dalka talyaaniga ee ANSA ayaa qortay in dowlada talyaaniga ay lacago ugu deeqday soomaaliya, waxaana ay wakaaladu sheegtay in lacagahaasi loogu talagalay hormarinta dalka soomaaliya.

Wakaalada ayaa qortay in wasiirka arrimaha dibada talyaaniga Paolo Gentiloni iyo reseal wasaaraha soomaaliya cumar cabdi rashiid cali sharmaarke ay wada qaateen kulan ka dhacay magaalada rome ee xarunta talyaaniga.

Wasiirka ayaa soomaaliya u balan qaaday qarash gaaraya 21 million oo dollar.

Cumar cabdi rashiid cali sharmaake reseal wasaaraha soomaaliya ayaa talyaaniga uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin soomaaliya.

shalay ayaa reseal wasaaraha talyaaniga matteo renzi uu u sheegay in talyaaniga uu soomaaliya ku sameen san doono maal galin dhaqaaleed.

Reseal wasaare cumar iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa in biri uu soo gabagabeeyo booqasho uu ku joogo talyaaniga

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here