Taliyaha ciidanka raashka oo warbaahinta dalkaasi u waramay ayaa sheegay in manta oo khamiis ah iyo biri oo jimca ah ay ciidanka raashka ka dhamaan doonaan Syria.
Taliyahaasi oo lagu magacaabo Viktor Bondarev ayaa ugu dambeen maalinka jimcaha ee biri sicad u sheegay in raashka ay soo gaba gabeenayaan joogi taanka ciidan ee gudaha Syria.
Madaxweynaha ruushka faladamiir buutin ayaa bilowgii isbuucaan sheegay in ciidankiisa ay kabaxayaan Syria isagoona ku macneeyey in ay gaareen u jeedkii iyo hadafkii ay u tageen Syria.
Galbeedka Syria ayaa bishii September ee sanadkii hore ay dageen ciidan military oo kasocda ruushka iyagoona fariisimo halkaasi ku yeeshay.
Lama oga tirade ciidanka raashka ee ilaa iyo hada laga daad gureeyey dalka Syria inta ay la ekyihiin.

