Kurdiyiinta Dalka Syria oo ku Dhawaaqay in ay ka Go’een dalka Syria intiisa kale.

0

Kooxda kuridiyiinta ee dalka Syria ayaa sheegay in ay ka go’een dalka Syria intiisa kale maanta oo khamiis ah.

Kurdiyiintaan oo lagu magacaabo PYD ayaa sheegtay in ay yihiin dowlad madax banaan oo calan gooni ah leh maanta wixii ka dambeeya.

Kurdiyiinta ayaa sheegay in gobolka waqooyiga ee kurdiyiintu dagaan ay noqotay dowlad madax banana oo federal ah.

Gobolka waqooyiga Syria ayaa waxaa hada maamula dagaal yahana kurdiyiin ah ah oo kasoo horjeeda maamulka madaxweynaha Syria bishaar Al-Asad.

Wada hadalada ka socda Geneva ayaa kurdiyiinta ay diideen in ay ka qeyb galaan.

qoomiyada kurdiyiinta oo tira badan ayaan laheyn dal gooni ah waxaana ay kala dagaan dalalka syria, ciraaq, iiraan iyo dalka turkiga.

kooxda Kurdiyiinta syria  hadalkaan kasoo yeeray ayaan la ogeyn waxa ay dowlada Syria ka orandoonto.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here