Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir General Cali Xirsi Barre Cali gaab oo la hadlay maanta warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka ammanka gobolku ay maalmihii dambe ay Magaalada Muqdisho ka wadeen howlgallo amni xaqiijin ah oo xilli kasta ay magaalada muqdisho degmooyinkeeda ay si joogto ah uga wadeen Ciidanka Booliska gobolka Banaadir.
Cali gaab ayaa sheegay in tan iyo Markii Maamulka gobolka iyo taliska Booliska gobolkaba lagu wareejiyey Ammaanka Gobolka Banaadir uu isbadal la taabankaro oo xagga amniga ah uu ku tallaabsaday Maamulka Goboplka Banaadir.
Waxaa uu sheegay Cali gaab in isbadalkaasi uu ku yimid kadib Markii Caasimadda Ciidanka Dowladdu ay ka sameeyeen howlgal joogto ah oo lagu baarayo gaadiidka iyo waliba cid kasta oo Magaalada dhaq-dhaqaaqeeda Saameyn ku leh.
Shacabka ku nool gobolka Banaadir ayuu ka codsaday General Cali gaab in ay kala shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka sugidda amniga Magaalada Muqdisho Iislamarkaana looga baahanyahay in Ciidanka kusoo wargaliyaan wax kasta oo wax u dhimaya ammaanka Magaalada Muqdisho oo ay shacabku arkaan isagoo intaa ku daray in ay tix galin gooni ah ay siinayaan hadalka Shacabka kunool Magaalada.
Cali gaab ayaa sheegay in isla shaqeynta Ciidamada iyo waliba Boolisku ay ka dhigantahay guul uu dhanka amniga ka gaaro gobolka Banaadir.

