Rag Xilliga Habeenkii ah Madaafiic ku garaacijiray degmada Afgooye oo gacanta lagu dhigay.

0

Dad badan oo aan tiradooda lacayimin  ayaa lagu soo qabqabtey howlgalo amaanka lagu xaqiijinay oo  ciidamada dawlada soomaaliya ay ka sameyeeyn xaafadaha ay ka koobantahay degmada Afgooye ee Gobalka Sh.hoose,waxaana la sheegay in dadka lasoo qabtay muddo lagu raadjoogay sida Saraakiisha howlgalka horkacaysa ay u sheegeen Radio Simba.
Xaafadaha inta badan howlgalka laga sameyey Waxaa ka mid ah  Xaawo taako laanta 1-aad,Xaawo taako laanta 2-aad  xaawo taako laanta3aad iyo xaafada imbigaati iyo dhagaxtuur oo kawada tirsan degmada afgooye.
Taliyaha ciidamada booliska degmada afgooye Amiin Cali Cismaan oo si gaar ah ulahadlay inta uu socday howlgalka Idaacada Simba warqabadkeeda shabeelaha hoose ayaa sheegay in howlgalka intabadan lagu baadigoobayey rag taabacsan al shabaab oo mararka qaar falal amniga lidiga ku kasameeya degmada Afgooye .
durbaba waxaa hakad galay howlgalka inta uu soday isku socodka ganacsiga degmada iyo dadka oo baqdin kamuujiyey in uu saameeyo howlgalka

Howlgalada ayaa waxa ay kadambeysay iyadoo  Muddooyinkii dambe degmada ay kusoo badanayey dilalka loogeysto askarta Ciidamada iyo qaraxyo kadhacyey degmada
durbaba waxaa hakad galay howlgalka inta uu soday isku socodka ganacsiga degmada iyo dadka oo baqdin kamuujiyey in uu saameeyo howlgalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here