Madaxweynaha Puntland oo beeniyey in dowladda Federalku ay hubaysay Shabaabka Weeraray deegaanadaasi.

0

Madaxweyanaha Maamulka Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa Waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka Sheegaya in dowladda Soomaaliya ay hubaysay Ciidama ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo weerar dhanka xeebaha kaga qaaday deegaanada Maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay inuusan Maqal wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo sheegay in dowladdu ay hubaysay Al-shabaab si ay ula dagaalamaan Maamulka Puntland,ka Cabdiwali ahaan ayuu sheegay inuusan aaminsaneyn in dowladdu ay hubayneyso Al-shabaab,Maadaama uu tilmaamay in dowladda dhexe iyo maamulkiisuba ay Al-shabaab yihiin Cadow ay dagaal kula jiraan.

Dr. Gaas hogaamiyaha Maamulka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aan xilligaan loo baahneyn in la is eedeeyo balse muhiimadda taagan ay tahay la dagaallanka Shabaabka duullaanka xooggan ku qaaday deegaanada Maamulkaasi.

Ciidamada Al-shabaab ee gaaray deegaanada Maamulkaasi gaaray ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa kusoo Fashilmay dagaalada ay kula jiraan Koonfurtab Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay Shacabka ku nool deegaanada Maamulkaasi in ay ku gacansiiyaan la dagaallanka xarakada Al-shabaab oo ku tilmaamay in ay yihiin cadow qatar ku ah jiritaanka Soomaalida loona baahanyahay in loo midoobo la dagaallankooda.

Cabdi wali Gaas ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay ku filanyihiin la dagaallanka Xarakada Al-shabaab islamarkaana aysan u baahneyn ciidamo Shisheeye oo ku saacida la dagaallanka Xarakada Als-shabaab,Waxaana uu sheegay in beesha caalamka ay isku afgarteen in ciidanka Puntland ay helaan agabyada milatari ee ay helaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Maalmihii dambe ayaa waxaa dagaallo qaraar ay ku dhax-marayeen deegaanada Xeebta ah ee Maamulkaasi ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo Kuwa Maamulka Puntland,iyadoona Wasiir ka tirsan Puntland uu dusha kaga tuuray dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay masuul ka tahay weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanada Maamulkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here