Ugu yaraan 22 ruux ayaa ku dhintay qaraxaan oo ah ismiidaan oo goor dhaw oo maanta ah ka dhacay dalka Nigeria.
Warar hor dhac ah oo laga helayo dalkaasi ayaa sheegaya in haweyneey ay qaraxani fulisay waxaana ay qaraxa ka fulisay gudaha masjid lagu cibaadeesto oo ku yaalo magaalada Maiduguri, oo ah xarunto gobolka Borno kuna taala dhanka waqooyi ee dalka Nigeria.
Wakaalada wararka mareykanka ee AP ayaa sheegtay in dhawaaca uu ka badan yahay inta la xaqiijiyey 30 qof oo ahaa dadkii ku sugnaa masaajidka la qarxiyay.
uruka Boko xaram aya fulisay weerarada nuucaan oo kale masuuliyadiisana sheegata markii uu dhaco ka dib.

