Wasiirka aarimaha dibada dalka Ethiopia Taye Atske-Selassie ayaa gaaray dalka Canada waxaana uu kulamo kula qaatay magaalada OTTAWA ee dalka Canada raisulwasaaraha dalkaasi jastin dartu.
Wasiirka ayaa dowlada Canada ka dalbaday in ay dowlada Ethiopia ka garab istaagto dagaalka ay kula jiraan xarakada Al-shabaab ee soomaliya ka dagaalanta.
Raisulwasaaraha dalka Canada jastin dartu ayaa isagana dowlada Ethiopia ku amaanay doorka wanaagsan ay kuleeyihiin nabadeenta soomaaliya, waxaana raisulwasaaraha Canada uu u balan qaaday dalka Ethiopia in uu ka taageeri doono dhanka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
“Waa in dowlada Canada ay sitoos ah nooga gacan siisaa hormarinta dhaqaalaha iyo hormarinta dhanka dagaalka aynu argagaxisada kula jirno ayuu yiri wasiirka arrimiha dibada dalka Ethiopia oo booqasho laba maalin ah ku joogo dalka Canada”.
Raisulwasaaraha Canada ayaa isagana balan qaaday in dalkiisa uu ku lug yeelan doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab waxaana uu cadeeyey in uu taageeri doono howl galka amisom ee midowga afrika, iyagoo amisom ka caawin doono xaga halida arrimiha sirdoonka.
Ugu dambeen Canada ayaa Ethiopia u balan qaaday qarash dhan $50 million, oo lagu caawinayo 10.2 million oo ruux kuwaasi oo ay heysato cuna yaraan baahsan.

