Ciidamo ka tirsan kuwa Mamulka Puntland oo wata gaadiid dagaal ayaa la sheegay in ay ku baxeen deeganada ay qabsadeen ciidamada Xarakada al-shabaab.
Dad ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa idaacada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in ciidamada maamulka Puntland oo aad u hubeysan ay ku baxeyn dhanka deegaanada xeebta xiga oo labadii maalin aynu soo dhaafnay gacanta ku hayeen ciidamo ka Tirsan xarakada al-shabaab.
Dhanka kale ciidamo ka Tirsan Xarakada al-shabaab ayaa la sheegay in habeenkii xalay ahaa ay ku hoydeen Degmada Bandar-Bayla ee Gobolka Bari oo kamid ah deegaanada hoos yimaada maamulka Puntland waxaana saakay degmadaas maamulaya maamulka al-shabaab.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa la kulmay madaxwayne ku xigeenka ahna ku simaha madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay, labada mas’uul ayaa la sheegay in ay kawada hadleen la wareegitaanka al-shabaab deeganada maamulka Puntland iyo sidii loogu hortagi lahaa arintaas.
Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa shalay sheegay in weerarka shabaab uu soo qaaday inay qayb ka tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya,

