Dowlada Soomaliya oo ka Hadashay Eedeemaha kasoo Yeeray Maamulka Puntland

0

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumada Somaliya, ayaa si adag u beeniyay eedeemaha kaga yimid maamulka Puntland ee ku aadan in ay abaabuleen shabaabka qabsaday deegaano hoos yimaada Gobolka Mudug.

Wasiir Odawaa oo la hadlay warbaahinta  isagoo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ayaan darro ah ku tilmaamay in eedayn sidaasi u wayn ay Puntland u soo jeediso Dowlada Dhexe Somaliya,

“Cid walba way ogtahay halka ay kala joogaan Dowladda Somaliya iyo Al Shabaab, Dowlada waxa ay dagaal adag kula jirtaa xarakada al-shabaab taasi ayaa laga dareemi karaa in dowlada aysan garab siin Karin al-shabaab ayuu yiri wasiir Odawaa.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in al-shabaab iyo kooxaha al-qaacida  looga adkaan karin in eedeymo la isu jeediyo, balse looga guuleysan karo, iyadoo ay dadka Somaliyeed halmeel kaga soo wada jeestaan dagaalkooda.

Hadalka Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa kusoo beegamaya xili Cabdi Xersi Cali (Qarjab), Wasiirka Amniga Puntland, uu sheegay in dowlada dhexe ee soomaliya ay garab siinayso shabaabka qabsaday deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here